Ciidamadda Itoobiya oo weeraray saldhigyo ay TPLF ku lahaayeen Koonfurta gobolka Tigray.

August 24 (Jowhar.com-Xoogagga Tigrayga, ee gobolka woqooyiga Itoobiya ee ay xurguftu ka taagan tahay, ayaa ku eedeeyay dowladda iyo xulafadeeda inay bilaabeen weeraro ka dhan ah iyaga oo jabinaya xabbad joojintii bini’aadannimo ee la gaarey bishii Maarso.

Kooxda TPLF weli faahfaahino kamaysan bixin dagaalka ay sheegtay saaka in Ciidamada Itoobiya ay kusoo qaadeen gobolka Tigray ee ay TPLF maamusho.

Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan eedeyntan. Si kastaba ha ahaatee waxaa jirta cabsi laga qabo in tani ay horseedi karto dagaal hor leh kaas oo kaga sii dara xaaladda bini’aadinimo ee ka taagan gobolka oo markii horeba aad u liidatay.

Horey Kooxda TPLF waxay u sheegtay in Ciidamo badan oo kamid ah Ciidamada Itoobiya lagu soo daad gureeyey dhinaca xadka u dhaxeeya Tigray iyo Axmaarada, halka dowladda Itoobiya iyaduna ku eedeysay TPLF inay wado saan saan colaadeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More