Ciidamadda Mareykanka ee AFRICOM oo taliye cusub yeeshay.

August 04 (Jowhar.com)-Taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo magacooda AFRICOM ayaa yeelanaya taliye cusub laga bilaabo Talaadada soo socota.

Taliyaha cusub oo lagu magacaabo Jeneraal Michael Langley ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidmaada badda Maraykanka ee madow ah ee gaara darajada Jeneraalka afarta xiddigood leh.

Aqalka Sanate-ka Maraykanka ayaa shalay ansixiyey dallacsiinta Jeneraal Langley.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyey in Jeneraal Langley uu xilka kala wareegi doono Jeneraal Stephen Townsend toddobaadka dambe, 9-ka August, magaalada Stuttgart ee Jarmalka.

Taliska AFRICOM ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiya la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, ayaga oo fuliya duqeymo ka dhan ah kooxdaas, sidoo kalena tababar siiya qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More