Ciidamadda oo gubay gaari qaraxyo ka buuxaan oo loo soo waday Masjid Cali Guduud.

Nov. 04 (Jowhar.com) -Ciidamada Dowladda ee dhawaan la wareegay deegaanka Masaajid Caligaduud ayaa gubay gaari qaraxyo ay ku soo rareen Al-Shabaab, kaasoo ay ku soo weerareen mid ka mid ah difaacyada Ciidamada halkaas ay ka sameysteen.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Gaariga lagubay uu ahaa nuuca raaxada oo Soomaalida ay utaqaan Leyla Calaawi kaas oo ay xogtiisa horay u ahayeen ayna ka hor tageen.

Saraakiisha ma aysan bixin faah faahinta qaabka loo gubay gaariga, wararka ayaase tilmaamaya in gantaal lala helay gaarigan oo kusoo dhawaaday difaacyada ciidamadda dowladda ee howlgalka culus ka wada aagga Masaajid Cali Guduud.

Kooxda Shabaab ayaa isku dayeysa sidii ay culeys u saari leheyd ciidamadda dowladda, si ay uga baxaan Masjidka Cali Guduud oo istiraatiiji u ah, sidoo kalena ay ka difaacaan saldhigooda ugu weyn ee gobolkaasi ee degmads Aadan Yabaal.

Ciidamadda oo nasiino yar galay kadib ayaa u ruqaansaday dhankaas iyo Aadan Yabaal oo Shabaab ay ka diyaariyaan duulaanada ay ka geystaan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo isla Sh.Dhexe.

Ciidamadda oo gubay gaari qaraxyo ka buuxaan oo loo soo waday Masjid Cali Guduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More