Ciidamadda Puntland iyo nin wata maleeshiyaad hubeysan oo ku dagaalamay gobolka Bari

Apr. 14 (Jowhar.com)-Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa xalay weeraray guri uu Magaalada Carmo ee gobolka Bari ka degenaa Nin lagu magacaabo indho taag huruuse oo kamid ah dadka kasoo jeeda deegaankaasi.

Dagaal socday ku dhawaad 2 saacadood ayaa xalay saqdii dhexe ku dhexmaray magaaladaasi Ciidamo is garabsanaya oo ka tirsan PMPF, kuwa Sirdoonka Puntland iyo Maleeshiyo taageersan ninkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay iney Puntland qorsheynayso iney soo qabato ninkaas balse ay difaaceen dadka deegaanka.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa lagu soo waramayaa inuu ku wajahanyahay maanta magaalada oo labada dhinac ay isku hub aruursanayaan, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale dagaal qarxo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More