Ciidamadda Somaliland oo laga saaray Laascaanood kadib dagaal ka dhacay magaalada.

Jan. 05 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamadda Somaliland dagaal looga saaray magaalada oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ay ku dileen dad gaaraya 15 ruux oo shacab ahaa.

Dagaalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii dadka shacabka ay ka caroodeen nin kamid ah dadka deegaanka oo ay dileen ciidamadda Somaliland, taasoo soo dadajisay in shacabka ay dagaalamaan, waxaana ciidanka Somaliland la dagaalamayay maleeshiyaad deegaanka ah oo qaab qabiil u abaabulan, khasaaro culus ayuu dagaalku sababay, walow aan tirakoob saxa laga heyn.

Ciidanka Somaliland ayaa haatan ku sugan duleedyada magaalada Laascaanood, iyadoo gudaha magaaladana ay ka arriminayaan ciidankan qaabka qabiil isu abaabulay, shacabka oo kor u hayay Calanka Soomaaliya oo hore magaalada mamnuuc uga ahaa ayaa isugu soo baxay wadooyinka, kuwaasoo soo dhaweynayay in Somaliland laga saaro xarunta gobolka Sool.

Saraakiisha ciidanka qabsaday magaalada iyo Odayaasha dhaqanka ayaa haatan shir laleh shirkadaha Isgaarsiinta oo ay kala hadlayaan in ay furaanka Khadka Internetka iyo Adeegga lacag labixida, oo cunaqabateyn ay saarnayd 11-kii naalmood ee lasoo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More