Ciidamadii la wareegay xarunta Gobolka Hiiraan oo oggolaaday inay isaga baxaan

Wararka ka imanaya magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii la magac baxay Ciidamada Badbaadada Hiiraan ay aqbaleen inay isaga baxaan xarumihii ay dhawaan la wareegeen.

CIidamadan ayaa gaaray go’aanka ay ugaga baxayaan Xarumaha Maamulka kadib markii uu kulan ay yeesheen Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha hoggaamineysay Ciidankii dhawaan qabsaday Xarunta uu shaqeynayay Maamulka Gobolka Hiiraan.

Heshiis hordhac ah oo kulankan lagu gaaray ayaa waxaa ka mid ah in ciidamadan loo oggolaado mushaaraadkii ay ka qaadan jireen dowlada isla markaana aan dib loogu raacan gadoodkii ay ku kaceen.

Hase yeeshee lama sheegin in heshiiska uu ku jiro inay ciidamadan oggolaadeen inuu tago Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe magaalada Beledweyen.

Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle oo ay ugu horreeyaan Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan, Duqa Baladweyne iyo mas’uuliyiin kale ee Maamulka ayaa berrito dib ugu shaqa bilaabi doona Xaruntooda oo maalmo kahor la wareegeen ciidamo diidan in Cali Guudlaawe tego halkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More