Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta degmada Kaxda iyo cabsi laga qabo dagaal.

Jan. 07 (Jowhar.com)-Ciidamo gadoodsan ayaa la wareegay xarunta maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kuwaasoo mudo kooban hakad galiyay dhaq dhaqaaqii ka socday halkaasi.

Ciidankan oo qaab beeleed isu soo abaabulay ayaa ka carooday xil ka qaadis uu todobaadkii hore gudoomiyaha degmada Kaxda C/llaahi Sheekh C/raxmaan uu ku sameeyay haweeney madax ka eheyd qeybta Caafimaadka ee degmada.

Xilkaasi waxa uu u dhiibay wiil ay isku reer hoose yihiin gudoomiyaha, taasoo keentay in Jufada Loobage ay diido ka keenaan xil ka qaadistasi, iyagoo ku doodayay in shaqsi kale oo isla beeshaasi ah loo dhiibo xilka.

Arrintaasi ayaa dhalisay in duhurnimadii maanta ay ciidan fara badan la wareegaan xarunta maamulka degmada, waxeyna ku hanjabeen ineysan goobta ka tagi doonin ilaa xal laga gaaro tabashadooda.

Saraakiil ka tirsan booliska gobolka Banaadir oo xiisadan ku baxay ayaa ku guuleystay in ciidankii qabiilka u abaabulnaa laga saaro xarunta maamulka, walow ay dhufeyso ka qoteen meel aan ka fogeyn xarunta.

Xiisad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa degmada, iyadoo gudoomiyihii maamulka degmada ahaa aanu maanta tagin xafiiskiisa, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay sawirran dhiilo coladeed xanbaarsan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More