Ciidamo Milatari ah oo la wareegay isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho

Ciidamadii Milateriga ee xalay ka soo baxay furimaha dagaalka deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa saaka gudaha u soo galay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo uu guuldareystay isku day la doonayay in ciidankaas dib loogu celiyo aagaggii ay ka soo baxeen.

Isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ayaa goordhow waxaa gaaray ciidamadaa iyagoo ku hubeysan gaadiidka tiknikada ah.

Ciidamadan ayaa kala wareegay isgoyska ciidamo Boolis ah oo hore ugu sugnaa kadib markii Booliska ay isaga baxeen iyadoo aan wax iskahorimaad ka dhicin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay doonayaan inay la wareegaan dhammaan isgoysyada iyo wadooyinka muhiimka ah ee Waqooyiga Muqdisho.

Askarta ka gadooday ciidamada dowlada ayaa waxaa la sheegay inay ka soo horjeedaan muddo kororsiga Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More