Ciidamo NISA ka tirsan iyo kuwo beeleed dagaal culus ku dhexmaray Hiiraan

Oct 24 (Jowhar.com)-Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeeyso Weerar Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay saakay deegaanka Beergadiid ee Gobolka Hiiraan, Dagaalkan waxaa uu udhaxeeyay Ciidamada Nabadsugida Gobolka Hiiraan iyo ciidamo hubeeysan oo qaab qabiil u abaabulan.

Dagaalka waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay hal qof sidoo kalena waxaa uu dhawac kasoo gaaray ilaa sadax kale, waxaana uu si gaar ah dagaalka uga dhacay Saldhiga Ciidamada Booliska ay ku lahaayeen halkaasi.

Dagaalka waxaa uu ka biloowday kadib markii Ciidamada Maleeshiyada ah ee saldhiga weerarka ku qaaday dhowr todobaad ka hor , Maleeshiyo kale oo Galgaduud kasoo jeedo ay ka dhaceen Gaari xamuul ah , waxaana intaasi kadib iyagane xalay ay Meeshiyada ay wadada laamiga ah ay ka dhaceen gaadiid safar ahaa,

Ciidamada Nabadsugida Gobolka Hiiraan ayaa xalay soo xir-xiray Ehelada Maleeshiyadii gaariga ka dhacay Degmada Matabaan deegaano hoos-yimado, waxaana weeraray Saldhiga Beergadiid dad arintaasi ka Carooday oo Maleeshiyo Hubeeysan ah.

Xiisad Dagaal oo arintaasi ka dhalatay ayaa manta ka taagan Beergadiid ee Gobolka Hiiraan,mana jirto wax wana waan ah oo labada dhinac laga dhex wado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More