Ciidan loo diyaariyay duulaanka Shabaab oo lagu soo bandhigay Bacaadweyn

Nov 18 (Jowhar.com)-Boqolaal Ciidamo Deegaanka ah oo ka qayb qadanaya dagaalka Shabaab ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kuwaas oo diyaar u ah in ay ka qaybqataan soo afjarista Khawaarijta .

Ciidankaan waxaa maanta kormer ugu tagay Saraakil ka kala tirsan Dowlada Federaalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, waxaana ay u shegeen in ay u diyaar garoobaan howlgal culus oo Shabaab looga sarayo deeganada Galmudug.

Guud ahaan dalka si gaar ah Galmudug waxaa uga socda howlgalo culus oo ka dhan ah khawaarijta Al-shabaab, waxaana looga qabsaday dhul badan oo muddo jogeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More