Ciidanka Amniga oo toogtay nin miino ku aasayay xaafad ka tirsan Muqdisho

Ciidanka Booliska ayaa xalay magaalada Muqdisho ku toogtay nin miino ku aasayay mid ka mid ah xaafadaha degmada Warta Nabadda.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu miinada ku aasayay nawaaxiga Wadada hormarta Shirkadda Nationlink ee degmada Warta Nabadda.

Ninkan ayaa la sheegay inuu dagaalamay, sidoo kale wararka ayaa sheegaya in labo kale oo la socotay oo qeyb ka aheyd howlgalka miino dhigista ay baxsadeen.

Sawirada ninka la toogtay iyo miinada ayaa la soo dhigay baraha bulshada.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa ku soo kordhay magaalada Muqdisho miinooyinka waddooyinka lagu aaso iyo kuwa la dhigaba, waxaana maalmo ka hor aheyd markii qarax miino uu ka badbaaday Maareeyaha Dekeda Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More