Ciidanka dowladda oo la wareegay magaalada Camaara
Sep 18 (Jowhar.com)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay goordhaw si buuxda ula wareegeen magaalada Camaara ee gobalka Mudug.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo hadda ku sugan magaalada Istaraatijiga ah ee Camaara ayaa xaqiijiyay in magaalada si buuxda loola wareegay ka dib markii saddex jiho ay ciidamadu weerar uga qaadeen.
Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday