Ciidanka milatariga Gabon oo afgambiyay dowlada dalkaas maamulaysay

Aug 30 (Jowhar.com)-Saraakiisha ciidamada ayaa ka soo muuqday telefishinka qaranka Gabon iyagoo sheegay inay la wareegeen xukunka.

 

Waxa ay sheegeen in ay baabi’inayaan natiijadii doorashadii Sabtidii ka dhacday dalkaasi oo lagu dhawaaqay in madaxweyne Cali Bongo uu ku guuleystay.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in Mr Bongo Afgambigiisu uu soo afjari doonaa 53 sano oo qoyskiisu ay xukunka Gabon hayeen.

12 askari ayaa kasoo muuqday telefiishanka iyagoo ku dhawaaqaya inay baabi’inayaan natiijadii doorashada isla markaana ay kala direen “dhammaan hay’adaha dowladda”.

Mid ka mid ah askartaas ayaa TV-ga Gabon ka sheegay: “Waxaan go’aansannay inaan difaacno nabadda anagoo meesha ka saarayna maamulka hadda jira.”Mr Bongo ayaa xukunka qabtay markii aabihiis Cumar uu dhintay sanadkii 2009-kii.

Sannadkii 2018-kii, waxaa ku dhacay xanuunka faaligga kaas oo sababy inuu maqnaado muddo ku dhow sannad, waxaana loogu baaqay inuu xilka isaga dago.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More