Ciidanka Uganda ee Buula Mareer: “Shababka na soo weeraray Beeralay ayaan moodeynay”
Jun. 12 (Jowhar.com)-Askartii Uganda ee ka badbaaday weerarkii Buula Mareer ayaa sheegay in AL-shabaabka weeraray Saldhiggooda ay moodayeen Beeraleyda deegaanka oo beerahooda falanaya.
Askarta dhaawaca ah eek u jira Isbitaalka heerka 2aad ee Xarunta Xalane ayaa waxaa booqday lataliyaha Madaxweynaha Uganda ahna wiilkiisa Muhoozi Kainerugaba,waxaana uu wax ka weydiiyay sida uu weerarkaas ku dhacay ee looga qabsaday saldhigga loogana laayay Askarta badan.
Waxaa ay u sheegeen in sida caadada ah saldhigga ay ku agyaallaan beero ay leeyihiin dad rayid ah kuwaas oo muddo ka shaqeysanayay islamarkaana subaxkasta u soo kallihi jiray.
“waan u jeednay Nalalka Gawaarida ay wateen Al-shabaab, waxaan u heysanay beeraleydii oo beerahooda waraabsanaya, cagafta beeralah lagu falo ayaan u maleynay,markii ay hoosta naga soo galeen ayey rasaas billaabatay”ayuu yiri mid ka mid ah dhaawacyada ku jira Isbitaalka Xalane.
Afhayeen ku xikeenka Ciidanka Uganda Deo Akiiki, ayaa sheegay in Askarta ay la qabsadeen Beeraleyda shaqadooda qabsadanaya islamarkaana aysan fileyn weerar Al-shabaab.
Jeneraal Felix Kulayigye, oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa u sheegay warbaahinta URN in ay hayeen xog sirdoon oo weerarkaas la xiriirta laakiin aysan heyn goorta uu weerarka dhacayo.
Jeneraal Muhoozi, ayaa sheegay in Ciidanka Xerada degganaa ay is dhigteen taasna sababtay in saldhigga si fudud lagu qabsado,waxaa kale oo uu sheegay in ay jireen saraakiil Laba ah oo Ciidanka ka mid ahaa islamarkaana amray Ciidanka in ay ka baxaan difaacyada taas oo Al-shabaab u fududeysay in ay deg deg ula wareegaan Saldhigga Buula Mareer 26kii May 2023.
Waxaa uu sheegay in ay hadda ka darantahay maaddaama qorshe kala guur ah jiro,waxaa uu sheegay in xilliga kala guurka ka adagyahay howlgalka lagula dagaallamo Al-shhabaab sidaas darteedna feejignaan dheeraad ah loo baahanyahay.
Labada Sarkaal ee Askarta ku amray in ay ka baxaan difaacyada ayaa lagu kala sheegay Oluka iyo Obbomwaa la xiray,waxaana la saarayaa Maxkamad ciidan maaddaama ay bixiyeen amar aysan darajadiisa lahayn kaas oo uu khasaare weyn ka soo gaaray Ciidanka Uganda.
Al-shabaab waxa ay sheegeen in weerarka ay ku dhinteen 137Askari oo Uganda u dhalatay hayeeshee Madaxweynaha Uganda ayaa qirtay 54 Askari in looga dilay weerarkaas.
Sida uu dhigayo qaraarka ay ATMIS ku joogta Soomaaliya Askariga ku dhinta dagaalka Al-shabaab waxaa dalkiisa la siinayaa Askarigiiba $50,000 (Konton kun) oo doolar halka kuwa lixaadka beela la siinayo $10,000 (toban kun) oo doolar.