Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AUSSOM oo la wareegay degmada Awdheegle

0
37

Nov 04(Jowhar)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) oo gacan ka helaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa maanta la wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Tani waxay qeyb ka tahay howlgalka qorsheysan ee lagu magacaabo “Duufaanta Aamusan”, kaas oo lagu xoreynayo deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana faahfaahin dheeraad ah laga bixindoona marka hawlgalku soo gebogaboobo.