Cirro oo si lama filaan ah uga hadlay askarta Somaliland looga dilay buurta gacan libaax

Aug. 12 (Jowhar.com)-Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay xiisada u dhexeysa Somaliland iyo jabhada buurta gacan libaax oo meeshii ugu xumeyd gaartay.

Mr.Cirro oo ka hadlayay magaalada Boorama ayaa soo hadal qaaday sagaalka askari booliska ah ee laga dilay Somaliland, wuxuuna jabada ugu baaqay iney hubka dhigto.

Waxa uu dhinaca kale xukuumada Somaliland ka dalbaday in xalka wadahadal ka raadiso, ciidankanna laga dulqaado deegaanada Jabhadan ay ku sugan tahay.

“Annagu waanu ka soo horjeednaa, mana taageersanin in xalku noqdo xabad, xoog iyo is muquunin … waxan ugu baaqayaa in madaxweynuhuna ciidankiisa ka qaado, shacbiga hubaysana waxan ugu baaqayaa in ay qoryaha dhulka dhigaa” ayuu yiri Cirro.

Waxa uu dhinaca kale soo hadal qaaday eedeynta uga timid wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ee ah in jabhadan uu Ciro gadaal ka taageerayo.

“Aniga shakhsiyan kursiga aan doonayo ee madaxweynaha, waxaa igala qiimowayn dhiiga hal muwaadin oo daata, xisbigu wuxuu u taaganyahay nabad, wadajir iyo midnimo” ayuu hadalkiisa kusii saray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More