Cudurka Ebola oo mar kale ka dilaacay Congo iyo 15 qof oo u dhimatay

0
197

Sep 06(Jowhar)-Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ku dhawaaqday in cudurka Ebola mar kale ka dillaacay dalkeeda, waa saddex sano kadib markii kii ugu dambeeyay uu dhacay, waxaana uu ka dhacay gobolka Kasai oo xuduud la leh Angola, kuna yaalla bariga caasimadda Kinshasa.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in hadda ay jiraan 28 kiis oo loo maleynayo cudurkan, iyadoo la xaqiijihay 15 dhimasho ah. Waxa ay intaas ku dartay in calaamadaha ugu horreeyay la ogaaday 20-kii Agoosto, markii haweeney uur leh oo 34 jir ah la dhigay isbitaal iyadoo qabta qandho daran iyo matag. Lama sheegin in haweeneydaasi ay ka badbaadday iyo in kale.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in afar ka mid ah kiisaska looga shakisan yahay ay ku lug lahaayeen shaqaalaha caafimaadka. WHO waxay sidoo kale ka digtay in tirada kiisaska ay kordhi karto maadaama fayrasku wali faafayo.

WHO waxay warbixin ku sheegtay in koox qaran oo jawaab degdeg ah, oo ay la socdaan khubaro ka socda WHO oo ku takhasusay cudurrada, ka hortagga iyo xakameynta caabuqa, shaybaarka iyo daaweynta, loo diray gobolka Kasai si loo xoojiyo dabagalka cudurka, daaweynta, iyo ka hortagga cudurrada goobaha caafimaadka.

Sidoo kale WHO waxay sheegtay inay gaarsiisay gobolka 2 tan oo agab ah oo ay ku jiraan qalabka ilaalinta shaqsiga (PPE), qalab shaybaarro guurguura iyo agab caafimaad kale.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in aagga cudurku ka dilaacay uu yahay meel si adag loo gaari karo, aan lahayn duulimaadyo badan, isla markaana u baahan ugu yaraan maalin safar ah oo dhanka dhulka ah laga bilaabo caasimadda gobolka Kasai, Tshikapa.