Cumar C/rashiid oo dowladda ku dhaliilay sida ay uga aamustay mudo kororsigii Jubaland.

Sept. 05 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ka hadlay mudo kororsigii halka sano aha ee dhawaan loo sameeyay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

Mr. Sharmaake ayaa sheegay iney tahay khatar badan mudo kororsigaas, taasoo horseedi karta in maamulada kalena ay qaadaan talaabo taàs lamida.

Waxa uu su’aal ka keenay sida dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh uga aamustay arrintaas, wuxuuna carabka ku adkeeyay in dowladda ay sidaasi si lamida uga aamusto hadii maamul goboleedyada kalena ay talaabadaasi mid lamida qaadaan.

“Mudu korodhsiga Jubaland, dowlada Federaalka way ka amustay wana arrin qatar ah, berri sidee uga hadlaysaa Galmudug? ” ayuu yiri Raysal Wasaare hore Cumar Cabdirashiid.

Si kastaba, Waxaa jirta cabsi ku aadan in maamul goboleedyada kale ee dalka ay sameystaan mudo kororsi hal sano ah, iyadoo Dhuusa-Mareeb ay ka socoto qorshe baarlmaanka looga gaddaayo iney mudo dheeri ah ugu daraan madaxtooyada iyo baarlamaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More