Cumar Cabdirashiid oo ka digay heshiis amni oo u dhaxeeya Eritrea, Itoobiya iyo Somali

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ka digay isku dayga heshiis amni iyo difaac oo u dhaxeeya Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo uu ku tilmaamay inay tahay arrin khatar keeni karta oo u baahan fiiro gaar ah.

Waxaa uu sheegay inay noqoneyso walaac aad u daran haddii dowladda waqtigeeda dhamaaday isku daydo inay heshiis noocaas ah ku saxiixdo Addis Ababa.

Warar la isla dhex marayo oo saacadihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya inuu jiro shir Addis Ababa ku dhex mari doono Isaias Afwerki, Abiy Ahmed iyo Farmaajo oo xulufo ah.

Ra’iisul Waaaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maalmo ka hor safar ku tagay Asmara, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki oo wajahaya cambaareyn caalami ah iyo eedeymo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kaddib markii Ciidanka Eritrea ka qeyb galeen dagaalka Tigray.

Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa xulufo dhow ah, waxaana dhowr jeer shirar saddex geesood ku yeesheen Asmara iyo Addis Ababa oo ay ku saxiixeen heshiis is dhex gal iyo wax wada qabsi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More