Cumar Filish “Ma aqbaleyno in si fudud lagu baabi’iyo dadaalkii iyo dhiiggii loo daadiyay amniga Muqdisho”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) oo xalay ka hadlayay munaasabad ka dhacday degmada Shibis ayaa sheegay in Muqdisho ay ka soo baxday burburkii, isla markaana ay ku socoto bilic, horumar iyo dib u dhis.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa hseegay in qof kasta oo ku nool Muqdisho looga baahan yahay inuu ka shaqeeyo, horumarinta, bilicda iyo xaqiijinta amniga.

“Waa ogtihiin magaaladan waxyaabihii ay soo martay inta wiil iyo gabar ee ku dhimatay ama ku naafowday in la gaaro nabadda maanta aan ku naalooneyno in marka dadaalkii iyo juhdigii dhaqaalaha fara badanaa iyo dhiigga loo daadiyay xoriyadda si fudud la isaga baabi’iyo waa damiir xumo, waana mid aan la aqbaleyn”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qof kasta oo Soomaali ah looga baahan yahay inuu u hiiliyo caasimadda Muqdisho, kana shaqeeyo amniga iyo horumarka.

Mar uu farriin u dirayay Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan, si nabad ah ugala shaqeyn doonaan sidii ay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed iyo ololahooda ugu sameyn lahaayeen magaalada Muqdisho.

“Qof kasta oo damac siyaasadeed leh waxaa ku soo dhoweyneynaa kalana shaqeyneynaa iyadoo run ah oo qalbi ah inuu dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed sameeyo, isku sharxo oo gogol dhigto, cid alla cidii uu cod ka rabo goob kasta ama gurigeeda ugu tago ayaa kala shaqeynayaa”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Hadalka Guddoomiye Cumar Filish ayaa ka duwanaa hadal todobaadkii hore ka soo yeeray, kaasoo Musharaxiinta mucaaradka ku tilmaameen colaad hurin iyo inuu Guddoomiyaha u hanjabay Musharaxiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More