Daacish iyo ciidamadda dowladda oo isku eryanaya gudaha Suuqa Bakaaraha.

August 31 (Jowhar.com)-Kooxda Daacish ayaa saaka xirtay qaar kamid ah goobaha ganacsi ee ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan oo kooxdaasi ka tirsan ay si dhuumaaleysi ah ugu tageen ganacsatada, iyagoo u sheegay iney xiraan goobohooda ganacsi, ilaa amar danbe, cidii amarkooda diidana ay dili doonaan

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo, awaamirtan ayaa ka danbeysay kadib markii Kooxda Daacish ay laba jibaartay lacagihii baada eheyd ay ka qaadi jireen ganacsatada, dadka iskaleh goobaha ganacsi ayaa iska diiday, iyagoo ku andacoonaya ineysan bixin karin lacagahaasi.

Iyadoo xaalku sidaas yahay, waxaa Suuqa tagay saraakiil ka tirsan Nabad Sugida uu hoggaaminayay Taliyana Nabad Sugida Howlwadaag Shakiib, waxeyna si awood leh u fureen goobihii ganacsi ay xirteen Kooxda Daacish, iyagoo ciidamo dheeraad ah dhigay gudaha suuqa, kuwaasoo ilaalo ka haya goobahaasi Ganacsi, si aysan maleeshiyaadka Daacish u dhibaateyn.

Waxaa jirta cabsi heysata mas’uiliyiinta goobahaasi ganacsi, iyagoo ka cabsi qaba in marka ugu horeyso ay ciidamadda NISA ka tagaan ay u yimaadaan dableyda Daacish ka tirsan, isla mar ahanataasina ay dhibaato gaarsiiyaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More