Daacish oo sheegtay iney dishay 50 ka tirsan kooxda Shabaabka

April 21 (Jowhar.com)-War lagu baahiyay majalada caalamiga ah ee Al_Naba ee ka faaloota howlgallada Daacish, ayaa lagu faah faahiyay howlgal ay kooxda ku beegsatay kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayey kooxda ku sheegatay iney ku dishay inkabadan 50 Shabaab ah.

“Ciidamo ka tirsan kuwa khaliifada ayaa ku sugan mid ka mid ah goobaha ay maamulayeen maleyshiyaadka Shabaab, halkaas oo ay wadaan ololaha ka dhanka ah maleeshiyaatka Murtadiinta ah ee Shabaab.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda Daacish.

Daacish ayaa sidoo kale tilmaamtay iney la wareegtay deegaanadii lagu dagaalamay, waxeyna shaacisay in howlgaladan ay fulisay bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More