Daahir Amiin Jeesow oo markale ku guuleytey doorashada Golaha Shacabka

Mar 10 (Jowhar.com)-Daahir Amiin Jeesow ayaa ku soo baxay Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#030 kadib markii uu u tanasulay musharaxii la tartamayay.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa shaaciyey in Daahir Amiin Jeesow oo loo qaaday Codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 101 Ergay ayaa waxuu helay 101 Cod oo ah dhammaan cododka ergaydii soo xaadirtay.

Waxa magaalada Beledweyne wel ka socota doorashada kuraasta Golaha Shacabka iyadoo Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan uu ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-010 ee doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Baledweyne kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More