Dab geystey khasaare oo ka kacay magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe

Wararka ka imanaya magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe ayaa sheegaya in xalay uu ka kacay dab geystey khasaare isugu jira naf iyo maal.

Dabka ka kacay guri ku yaal xaafad lagu magacaabo Daami oo ka tirsan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Hargeysa ayaa waxaa ku geeriyootay labo carruur ah.

Carruurta ku geeriyootay dabka ayaa waxaa ay ahaayeen afar jir iyo lix jir halka labo kalana laga soo badbaadiyay.

Dhinaca kale,magaalada Garowe ee xarunta Dowlad goboleedka Puntland waxaa ka kacay dab qabsaday warshad Isbuunyada Sameysa, iyadoo uu dabkaasi ku sii faafay xaafado u dhaw dhismaha.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dabka uu qasaare gaarsiiyay qeybo badan oo ka mid ah warshada isbuunyada soo saarta ee magaalada Garowe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More