Tuesday, July 21, 2026
Home NEWS Dab xoog leh oo ka kacay Suuqa Bakaaraha

Dab xoog leh oo ka kacay Suuqa Bakaaraha

95

July 21 (Jowhar)-Dab xoog leh ayaa saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Cabdalla Shideeye, kaas oo geystay khasaare hantiyeed.

Dabka ayaa ka bilowday gudaha suuqa, waxaana la sheegay inuu ku fidey goobo badan, iyadoo uu burburiyay hanti ay lahaayeen ganacsato halkaasi ka shaqeynayay.

Ciidamada Dab-damiska ee Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta, iyagoo wada dadaallo lagu daminayo dabka laguna xakameynayo inuu ku fido qeybaha kale ee suuqa.

Ilaa iyo hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee dhalisay dabka, mana jiro war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha guud ee ka dhashay dabka.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah xarunta ugu weyn ee ganacsiga Muqdisho, waxaana marar badan ka dhacay dab sababay khasaare hantiyeed oo ballaaran.