Dabbaal degyada maalmaha Xorriyadda iyo xaaladda Shaqaale weynaha Soomaaliyeed

Jun 27(Jowhar.com) 26-kii June waxay ahayd markii ugu horeysay ciidda Soomaaliyeed laga suray Calankeena quruxda leh ( Hargaysa) lagana saaray gumeystihii haystay ( Ingiriiska), Maalin Qaran, Maalin Midnimo.

Galabtay waxaan soo maray barxadda Daljirka Daahsoon ee Caasimadda oo ay buux dhaafiyeen dad badankood ahaa dhalinyaro ku soo labistay dharkii midabka calanka ka sameysan, qaarkoodba buluug tiq ha ahaadaane, waxaa kale goobta taagnaa Bajaaj ama Mooto Dhugdhugley aad u badan oo calanka laga taagay, dhammaan goobaha ganacsiga waa wada calan.
Isu so baxayaasha waxaa ka muuqday dareen wanaagsan oo leh rajo xooggan iyo dhalinyaro dal jaceyl iyo dadnimo ku jirto, waxaa ii soo baxday ummad adkaysatay oo wali is haysata, xasuusanaysa maalmahoodii qurxanaa ee xorriyadda iyo Midnimada.

Dabbaal deggaa maanta ma soo bilaaban xalay xilli hore waxaa waddooyinka caasimadda buux dhaafiyay dhalinyaro calanka wata, kuna luuqaynaya si wadajir ah heesta calanka iyo heesaha kale ee xorriyaddda ku caanka ah.

Dabbaal degyadani dhammaan waxa ay qiimo u leeyihiin qofkasta oo Soomaali ah qalbi ahaan iyo qof ahaanba, waxaase xanuun igu noqotay mar aan tagay mid ka mid ah xarumaha shirkad ka mid ah kuwa ugu waa weyn shirkadaha dalka, waxaan ugu tagay qof shaqaale ah xilli shaqo ka bax ku dhow a, wajigiisa waxaa ka muuqday xanaaq iyo farxad la’aan, aniga oo yara dhibsaday daaha adeega uu qabanayay, waxaan ka codsaday in uu ii dedaji, waaba qof i bar aqooday, wuxuu igu dhahay hadal I taabtay oo ah idinka “waxaad leedihiin nasiib ( Shaqaalaha Dowladda) waxaad hesheen waqti fasax oo aad ku dabbaal degtaan”

Waan ka naxay hadalkaa, oo waxaan u haystay in shaqaalaha gaarka ahi fasaxyadaan helaan, sida kuwa dowladda, ama qiimo u dhigma looga beddesho ( Lacag ama fasax maalinkale), waan ku celiyay waxaan ku irri miyaadan helin fasax maalmaha xorriyadda oo maanta ay ku jirto, wuxuu iigu war celiyay si carro leh “ Waxaan u haystaa haddii aan nahay shaqaalaha gaarka ah in aanan xor ahayn, xorriyadna u dabbaal dagi karin oo aanba naloogu talo galin maalmahan oo kale” waxay ahayd jawaab dareen leh.

Waxaa ka sii darran shirkadaha gobolada qaar sida kuwa waqooyi shaqaalahooda maanta fasax ayay ahaayeen, sidookale 18 May waa la fasaxay, sida aan ka soo xigtay shaqaale ka tirsan shirkadaha waa weyn ee deeganadaasi, waxaan isweydiiyay ma shirkadaha Koofur dalka ayaanan ku baraarugsaneyn, mise xaquuq ilaalinta ayaa looga fiican yahay, ( Ilaah baa iga og, iyagaase laga rabaa jawaabta).

Sidookale waxaan maqlay in shirkadaha waa weyni dhammaantood fasaxaan shaqaalaha maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka iyaga oo u hoggaansamaya xeerka caalamiga ah ee Shaqaalaha.

Haddaba, shirkadaha gaarka ah maanta waxa ay ku kaceen xad gudub shaqaale oo ay tahay in ay kula xisaabtamaan shaqaalaha ruuxooda, ururada u dooda shaqaala weynaha Soomaaliyeed iyo wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowladda federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Bal sidee, muxuuse sharcigu ka qabaa?

Qodobka 96-aad ee Xeerka Shaqaalaha Soomaaliye ee soo baxay baxay 1972-dii (Somali Labor Code) waxaa uu sheegayaa in maalmaha fasaxa ah ee asbuuclaha ah ( Jimco), kuwa ciidaha ( Fitdi iyo Adxa), Maalmaha Qarank (26 June, iyo 1-d Luulyo), , Maalinta Dhalashada Nabigeenna NNKH ( 12-ka bisha Mowliid) iyo maalmaha kale ee dowladdu u aqoonsato fasax guud in ay shaqaalaha oo dhami helaan fasax.

Sidookale qodobka 86-aad ee isla Xeerkani wuxuu sii cadeynayaa maalmaha fasaxa, iyo xaqa in qofwalba oo shaqaale ah u leeyahay in laga iibsado si xor ah ama loogu beddelo maalin kale.
Sidaa darteed inkasta oo aan ogahay daruufaha shaqaalaha Soomaaliyeed iyo xaaladaha shaqo helista ku xeeran, haddane kuwooda awooda waxaan ujeedinayaa in ay ku dooddaan ankee maantadii ka tagtay in shirkadaha magdhow ka siiyaan, garsoor ahaan waxaan rajeynayaa in ay ku gar heli doonaan.

Waxaan halkaan baaq uga dirayaa shirkadaha waa weyn ee dalka iyo dhammaan loo shaqeeyayaalka Soomaaliyeed in ay dhowraan xuquuqda shaqaalahooda, siiyaan xaqa shaqaale walba uu leeyahay, sidookale waxaan u jeedinayaa Isutaga urur shaqaalaha, bulshada rayidka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha in ay u istaagaan u qareemidda shaqaalaha dulman xuquuqdooda xilli kasto si gaar ahka kuwa aanan helin fasaxyada ay xaqa u leeyihiin, beddiilna aanan la siin.

Ugu dambeyn ma jirto shirkad gooni ah oo aan ugu darnaanayo ama ku dulminayo qoraalkani, ee waxaan ugu doodayaa shaqaalaha Soomaaliyeed, arrintani waa in aan u wada istaagno oo aan ka dhiidhino.

Hambalyo 26-ka Juun, Hambalyo maalmaha Xorriyadda, ilaahoow aan shaqaalaha weynaha Soomaaliyeed lagu shaqeyn 1-da Luul iyo maalmaha kale ee farxadda iyaga oo aan raali ka ahayn beddelna laga siin.

Taageer helista xaqa fasaxyada Shaqaalaha weynaha Soomaaliyeed.

Waxaa qoray Abdishakur Ali Ahmed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More