Dad badan oo ugu geeriyooday Covid 19 magaalada Gaarisa

Wararka ka imanaya magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in ku dhow boqol ruux ay ugu dhinteen 24kii saac ee la soo dhaafay cudurka Covid 19.

Saraakiisha caasimaadka ee gobolka jooga ayaa waxaa ay sheegeen inay sii kordhayaan dadka uu cudurkan soo ridanayo gaar ahaan dadka da’ada ah.

Wasiirka caafimaadka ee is-maamulka ayaa sheegay in aanay jirin feejignaan dheeri ah iyo dadaal ay dowladda Kenya ku bixineyso sidii wax looga qaban lahaa faafinta cudurkan ee magaalada Gaarisa.

Cudurka safmarka ah ee Covid 19 ayaa sidoo kale waxa uu ka jiraa magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More