Dad isku qoys ahaa ku geeriyooday dhismayaal kusoo dumay magaalada Muqdisho

Aug 31 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dhismo dabaqyo ahaa oo xalay fiidkii hore soo dumay, kuwaasoo ku yaala agagaarka Carwo Liimooni oo ku taalla gudaha Suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag.

Wararka ayaa sheegaya in dabaq ka kooban 8 biyaano uu kusoo dumay dhisme kale oo dabaq 4 biyaano oo isaguna ku dul dhacay guri filo ah oo ay daganaayeen dad isku qoys ah oo khasaaraha ugu culus uu soo gaaray.

Inta la ogyahay waxaa dhismayaashan soo dumay ku geeriyooday saddex ruux, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo wali dhismayaasha hoostooda laga baadi goobayo dad shacab ah.

Saddexda qof ayaa kala ah hooyo, iyo laba gabdhood oo ay dhashay, waxaana weli ma maqan maydka mid kamid ah gabdhaha oo da’deeda lagu sheegay 14 sanno jir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More