Dad ku dhintay Dagaallo dib uga dhex curtay Amxaarada iyo Tigrayga

April 17 (Jowhar.com)-Mas’uuliyiinta gobolka Amxaarada ee ku yaal waqooyi-galbeed ee Itoobiya ayaa ku eedeeyey gobolka deriska la ah ee Tigray in uu weerar ku soo qaaday deegaankooda, taas oo ka dhigan in ay sii labo lixaadsatay colaadda dhuleed u dhexeysa labada gobol.

Waa dirirtii ugu horreysey ee ka curata soohdinta lagu muransan yahay ee labada maamul goboleed midba gaar u sheegto tan iyo markii la sixiixay heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii lagu hoobtay ee gobolka Tigray ka dhacay muddo haatan labo sano laga joogo.

Sida u uku soo warramayo wariyaha BBC ee Addis Ababa, isku dhacyada u dhexeeya ciidamadao kala taabacsan maamullada Tigrayga iyo Amxaarada ayaa billowday Sabtidii, illaa markaasna waxay ka sii socdeen deegaanno hoos taga degmada Raya Alamata. Sida laga soo xigtey dadka degaanka, ciidamada Tigray ayaa galay qaybo ka mid ah degmada.

Saraakiil ku sugan magaalada Kobo ee halkaas ka ag dhow, islamarkaana ka tirsan gobolka Amxaarada ayaa BBC u sheegay in ay halkaas oo gaareen dad ka soo qaxay dirita.

Mas’uuliyiinta labada maamul ee Tigrayga iyo Amxaarada ayaa eedeyn isku tuurtuuray, iyadoo qoloba qolo ku eedeysay in ay dagaalka biilowday.

Madx maamulka KMG ah ee Tigray ayaa eedda dusha ka saaray waxa uu ugu yeeray cadowga heshiiska nabadda.

Dowladda federaalka oo iyadu heshiiska la sixiixatay ciidanka Tigray 2022 ayaan weli ka hadlin xiisadda aloosan. Waxayna horay ugu dhawaaqday qorshe int axal laga gaarayo khilaafka maamulka dhulka lagu muransan yahay loogu wareejinayo ciidamada federaalka. Inkstoo heshiisku uu damiyey dabkii ka holcayey Tigray, haddana colaaddu waxay ka sii socotay qaybo kale oo Itoobiya ka mid ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More