Dad rakaab ah oo ku dhintey qarax ka dhacay magaalada Mandheera

Wararka ka imanaya magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ay dad rakaab ah ay dhinteen kadib markii gaari ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday magaalada Mandheera.

Toddobo ruux oo rayid ah oo ay haween ku jireen ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxan iyadoo laga cabis qabo in tirada dhimashada ay intaa ka sii badato.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxaa haatan kusugan laamaha ammaanka, kuwaasi oo aan wali shaacin cidda ay usoo qabteen weerarkaasi.

Dalka Kenya ayaa waxaa hore uga dhacay qaraxyo lala eegto gaadiidka ciidamada Kenya iyadoo sidoo kale ay jiraan weeraro lagu qaado gaadiidka rakaabka ah ee maraya wadooyinka gobolka Waqooyi Bari Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More