Dad ugu geeriyooday jasiirada Zanzibar kadib markii ay cuneen hilib qubo

Toddoba qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waxay ku jiraan cusbitaalka kadib markii ay cuneen hilib qubo oo sun ah gobolka Zanzibar ee ismaamulka Tanzania.

Madaxweynaha Zanzibar Hussein Mwinyi ayaa tacsi u diray qoysaska dadka dhintay, fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Illaa 24 kale ayaa la dhigay cisbitaalka Pemba shilka ka dib.

Hilibka qubada ayaa ah cunto ay ku badan yihiin dadka deegaanka ee ku nool agagaarka xeebaha badweynta Hindiya.

Waxaa la rumeysan yahay in kan gaarka ah ee la cunay uu ka yimid nooc sun ah.

Taliyaha bilayska Pemba Juma Sadi ayaa mamnuucday cunista hilibka qubada dhacdada ka dib.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More