July 25 (Jowhar)- Dagaal beeleed ayaa maanta markale ka dhacay deegaanka Laashimo oo hoostaga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag iyadoo uu sababay dagaalku qasaare isugu jira dhimasho Iyo dhaawac.
Dagaalkan oo daba socda dagaallo soo noqnoqday oo dhiig badan ku daatay ayaa wararku sheegayaan in uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada.
Dagaalka ayaa ka dhacay, kaddib markii ay dowladda Puntland deegaankaaas ka soo qaaday ciidamo muddooyinkii dambe ku sugnaa oo ku dhexjiray maleeshiyaadka labada beelood.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo maanta ka hadlay dagaalkan ayaa ugu baaqay labada beeleed in ay xabbadda joogaan oo nabada qaataan.
Dhinaca kale, Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkan, wuxuuna ugu baaqay beelaha walaalaha inay xabadda joojiyaan, isa markaana ay xalka ku raadiyaan wada-hadal iyo deganaan.
Sidoo kale wuxuu guud ahaan bulshada deegaanka ka dalbaday inay nabadda ka shaqeeyaan, ayna u istaagaan sidii loo joojiyaan colaadda qabaa’ilka.
“Waxaan ku boorrinayaa Maamulka Waqooyi Bari, culimada, haweenka, guurtida, dhallinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay si degdeg ah uga hawlgaan daminta colaaddaas, isla markaana kala dhex-galaan walaalaha dhiiggoodu daadanayo,” ayuu mar kale yiri Wasiirku.
Dagaalka u dhexeeya labada beelo ayaa salka ku haya muran la xiriira dhul daaqsimeed, waxaana uu sababay khasaare naf iyo maalba leh.





