Mar 19(Jowhar)-Iska horimaad ayaa ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo u dhaxeeya ciidamada maamulka KG iyo ciidanka Mucaaradka taabacsan DFS, kuwaas oo markii 3-aad isku dagaalamaya halka loo yaqaano Suuqa Xoolaha.
Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed, ayaa leh kulan deg deg ah oo ay uga hadlayaan xaaladda Koonfur Galbeed, lagana sugayo in ay go’aana kasoo baxaan.
Guddiga Doorashada ayaa dhinaca kale la sugayaa in caawa ay shaaciyaan Koonfur Galbeed.










