Dagaal culus oo ka socdo duleedka Laascaanood iyo Somaliland oo ka hadashay
Apr. 01 (Jowhar.com)-Dagaal culus ayaa kasocda 3 jiho oo kamid ah goobaha ay isku horfadhiyaan ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka ee magaalada Laascaanood, iyadoo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in Somaliland ay weerarkan ku qaaday jihooyinkan, sida ay xaqiijinayaan wararka hordhaca ah ee lahelayo, iyadoo horey u sheegtay in ay qabsanayso magaaladan.
Waxaa jiro khasaare culus oo ka dhashay dagaalka, waxaana la maqlayaa madaafiic la isu adeegsanayo labada dhinac.
Dhinaca kalena, Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay goor dhaw soo saartay ku sheegtay in ay iska difaacday weerar ay ku soo qaadeen kooxo ay ugu yeertay argagixiso & ciidan Puntland ah, waxayna sheegtay in ay ka guuleysteen oo ay qabteen maxaabiis dagaal.
Somaliland, waxay sheegtay in ay ilaalinayso xabadjoojintii ay horey ugu dhawaaqday dhankeeda, ayna ciidankeedu u turayaan shacabka magaalada Laascaanood, xili 26-kii March ay ku dhawaaqday dagaal qorsheysan, kaas oo ilaa shalay socday.