Dagaal ka qarxay caasimadda Suudaan ka dib xabbad joojin 24 saac ah

A column of smoke rises behind buildings near the airport area in Khartoum on April 19, 2023, amid fighting between the army and paramilitaries following the collapse of a 24-hour truce. (Photo by - / AFP)

Jun. 11 (Jowhar.com)-Iska hor-imaadyo xooggan iyo madaafiic la isweydaarsaday ayaa maanta ka dhacay guud ahaan magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in duqaymo dhinaca cirka ah ay ka dhaceen wax yar ka dib markii ay dhammaatay xabbad-joojin 24-saacadood ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka dhexmaray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa RSF uu ahaa midkii ugu cuslaa ee todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana dagaalkan uu ka dhacay xaafadda ay dadku ku badan yihiin ee Xaaji Yuusuf ee Bahri.

Isku dhacyada iyo madaafiicda ayaa dib uga soo cusboonaaday waqooyiga Omdurman waxaa kaloo  iska horimaadyo ka dhaceen koonfurta iyo bartamaha Khartoum, iyo Shambat oo ku teedsan webiga Niil ee Bahri ilaa buundada Halfiya ee istiraatiijiga ah, taasoo u gudubta Omdurman.

“Xabbad-joojintu waxay naga dhigtay inaan yara nastay, balse dagaalka iyo cabsidu way soo laabanaysaa maanta,” ayuu yiri Muscab Saalax, oo ah 38 jir deggan koonfurta Khartoum.

Madaafiicda lagu garaacay koonfurta Khartuum ayaa waxaa ku dhintey illaa 11 qof oo rayid ah,halka Bariga Khartoum lix qof oo rayid ah ay ku dhinteen sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Reuters oo soo xigatay mid ka mid ah dadka ku nool magaalada Khartoum.

Dagaalada ka bilowday caasimada Sudan ayaa ku fidey gobolo kale oo uu ka mid yahay gobolka galbeedka ee Darfur iyo gobolka Kordofan oo ah dhul ku caan ah beeraha iyo xoolaha.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga taageerada degdega ah (RSF) ayaa qarxay 15-kii Abriil, taas oo ka dhalatay xiisado la xidhiidha qorshe caalami ah oo uu taageerayo oo loogu gudbayo xukunka rayidka ah.

Colaadda ayaa dishay boqollaal rayid ah waxayna barakicisay in ka badan 1.9 milyan, taasoo dhalisay masiibo bini’aadantinimo oo weyn oo khatar ku ah inay ku fiddo gobol aan xasilloonayn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More