Dagaal xooggan oo ka socdo gudaha Hotel Hayat iyo qaraxyo la maqlayo.

August 19 (Jowhar.com)-Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo isugu jira boolis iyo Nabad sugid ayaa dagaal xooggan kula jira dabley hubeysan oo weerar ku gashay hoteelka Hayat ee ku yaala ka soo horjeedka xarunta baarista dambiyada ee CID-da.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in dabley gaareysa ilaa saddex ay gudaha ugu jiraan hoteelka, iyadoo ciidamadda amaankana ay isku hareereeyeen dhamaan dhismaha hoteelka, iyadoo la maqlayo rasaas culus oo labada dhinac ay isweydaaraanayaan.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in gudaha hoteelka ay ku jiraan shacab badan, kuwaasoo meesha ku go’doonsan, laamaha amaanka ayaa dadaal galinaya sidii dadkaasi iyagoo nabad qaba loo soo saari lahaa.

Dableyda gudaha hoteelka ku jirta ayaa mararka qaar banbaanooyinka gacanta laga tuuro ku soo ridaya ciidamadda amniga, waxaana jira askar Haramcad ka tirsan oo qeybo kamid ah hoteelka gacanta ku heysa.

Waxaa jira khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxyada iyo rasaasta ka dhaceysa gudaha iyo banaanka Hayat Hotel, waxaana gawaarida gurmadka deg dega ah ku adag iney u gurmadaan dadka dhaawacyada qaba, maadaama xaaladda ay wali tahay mid adag.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xili maanta ay Jimco eheyd oo Hotelka ay buux dhaafiyaan Shacab iyo Siyaasiyiin ka nasanaya maalmihii shaqada ee todobaadka, iyadoo xiliga weerarka dhacayay uu Hotelka ahaa mid ay dad badani joogeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More