Feb 05(Jowhar)-Kulanka golaha wasiiradda Faderaalka ayay maanta hareysay iska horimaadyada ka dhacay shalay iyo saakaba magaalada Baydhabo, iyadoo xubno katirsan golaha wasiiradda oo labo daraf kala metalaya ay golaha dhexdiisa isku qabsadeem.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa fadhiga ka sheegay in Baydhabo weerar lagu qaaday ciidan dawladeed, lagana horyimi hanaan doorasho oo ay DF Soomaaliya riixayso, taas oo uu sheegay in aysan sharci aheyn, isagoo ku eedeeyey Koonfur Galbeed in ay geysatay gabood-falo ka dhan ah ciidanka xoogga dalka.
Laakiin wasiir kuxigeenka arrimaha dibada & Wasiiru dowlaha qorsheynta DFS oo taageersan dhinaca Laftagareen ayaa difaacay iska horimaadyada, waxayna sheegeen in laga talaabo qaaday kooxo Jidgooyo dhigtay oo doonayay in ay nabadgalyo daro abuuraan.
Mukhtaar Roobow ayaa dhankiisa labada dhinacba u sheegay in ay is dajiyaan, xaaladdana wada hadal lagu xaliyo.
Ra`iisulwasaare Xamse ayaa fadhiga ka sheegay in la xalin doono dhacdada Baydhabo, isagoo u muuq-muuqday dhexdhexaad in ay dawladdu ka tahay dhacdadan.










