Dagaalka Laascaanood oo ku sii fidaya gobolo hor leh oo ka tirsan Somaliland

Feb. 28 (Jowhar.com)-Warrarka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka subixii hore uu dagaal halkaas ka bilawday jihada wadada looga baxo dhinaca Burco, dagaalkaas ayaa la sheegay in la isu adeegsanayay hub culus.

Rasaasta ayaa weli laga maqlayaa magaalada, wararka ayaa sheegaya in meelo badan oo magaalada gudaheeda ah ay ku soo dhaceen hubka gaar ahaan aaga isbitaalka.

Ilaa hadda wax faahfaahin ah kama aanan helin isbitaalada magaalada balse goob joogayaal ayaa sheegay in dhawaaqa ambalaasta qaadaysa dadka waxyeelada ay soo gaareen aad loo maqlayay.

Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana dagaalka uu galay maalintii 22-aad, kaas oo haatan ka socda bariga magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Khasaaraha dagaalka ayaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya, waxaana dhimashada ay kor u dhaaftay 150 qof, halka dhaawacana uu marayo 600 oo kal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More