Dagaalka Sudan oo markale xabad joojin aan dhaqan gelin lagu dhawaaqay
Apr. 19 (Jowhar.com)- Militariga Sudan iyo Xoogaga Taageerada Degdega ah (RSF) ayaa si kala gooni gooni ah ugu dhawaaqay xabbad joojin cusub oo 24 saac ah oo bilaabanaysay 6pm wakhtiga maxaliga ah (16:00 GMT) laakiin duqeymaha ayaa sii socday kadib waqtiga ay dhaqan galaysay xabad joojinta.
Dagaal culus ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta madaxtooyada ee caasimadda Suudaan, ee Khartoum, iyo xaafad ku taal galbeedka magaalada oo ay ku yaaliin guryo ay leeyihiin madaxa RSF iyo qoyskiisa.
Ugu yaraan 270 qof ayaa la dilay tan iyo markii ay iska horimaadyadu bilowdeen, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, iyadoo soo xiganeysa wasaaradda caafimaadka Suudaan.
Isbitaalo badan oo ku yaal Khartoum ayaa weli ka maqan adeegii shaqaalaha caafimaadkuna waa ay awoodi waayeen inay gaaraan xarumaha daryeelka caafimaadka.
Ururka Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas iyo Ururada Bisha Cas ayaa ka digaya in nidaamka caafimaadka Suudaan uu halis ugu jiro burbur.
Kumanaan qof oo rayid ah ayaa ka qaxay caasimadda Sudan, waxaana dalalka shisheeye ay isku dayayaan inay ka daadgureeyaan muwaadiniintooda, xilli uu maalintii shanaad ka socdo dagaal ba’an.
Dad goob joogayaal ah ayaa soo sheegay in subaxnimadii Arbacada dad baabuur iyo qaar kalana ay lug ugaga baxeen Khartoum, iyadoo rasaas iyo qaraxyo dhego-gooyo ah ay ka dhaceen magaalada.
Shidaal la’aan iyo gaadiid la’aan ayaa keentay in qaar badan oo ka mid ah dadka qaxay ay ku qasban yihiin inay lugeeyaan, iyadoo qaarkood ay doonayeen inay u sii gudbaan bartamaha iyo galbeedka Suudaan.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka qaxay caasimadda ayaa sheegaya in ciidamada RSF ay jidgooyo dhigteen waddooyinka magaalada, qaar ka mid ah dagaalyahannadeeduna ay ka dhacayaan telefoonada iyo lacagta ay wataan.
Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in dhac loo geystay deegaano ka tirsan caasimada lafteeda. Talaadadii, dadka deggan agagaarka Khartoum 2 ayaa sheegay in maleeshiyada RSF ay guri guri ugu galayeen xaafadda iyaga oo dalbanaya biyo iyo cunto.
Iyadoo uu dagaalku sii xoogeysanayo ayaa dalal dhowr ah waxa ay sheegeen in ay bilaabeen diyaar garow ay muwaadiniintooda uga soo daad gureynayaan dalka.