Dalladaha Waxbarashada oo soo dhaweeyay Wasiirka Cusub ee Wasaarada Waxbarashada

Shir ay si isugu yimaadeen Dalladaha Waxbarashada Soomaaliya oo looga hadlaayey isbedelka Wasaaradda Waxbarashada ayaa lagu soo dhaweeyey islamarkaana laguna taageeray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo ah qof aqoon iyo qibradba u leh waxbarashada Soomaaliya iyo heerarka kala duwan ee ay soo martay.

Dalladaha Waxbarashada ayaa waxaa ay hore u dhaliileen natiijadii imtixaanka dugsiyada sare gaar ahaan ardayda gobolka Banaadir oo natiijo liidata ka helay imtixaanka fasalada 4aad ee dugsiyada sare.

Falanqeyn dheer kadib Dalladaha kasoo qaybgalay shirka waxay isla garteen arimaha soo socda:

In Dalladaha Waxbarashada ay si buuxda u soo dhaweynayaan islamarkaana taageerayaan Magaabista Wasiir Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

In Dalladaha Waxbarashada ay diyaar u yihiin in ay la kulmaan si buuxdana ula Shaqeeyaan Wasaaradda Waxbarashada

In Dalladaha Waxbarashada ay Markasta diyaar u yihiin in ay ka qayb qaateen horumarinta waxbarashada gaarka ah iyo mida dowliga ah intaba
Dalladaha iyo Mas’uuliyiinta Kulanka soo dhaweynta ka soo qaybgalay waxaa kamid ah:

Dalladda Waxbarashada ee SAFE – Keyse M.Abul xuseen – Agaasimaha Fulinta
Dalladda Waxbarashada ee SOFEL – Cali Maxamed ( Ali Kabsol )- G/Xigeen
Dalladda Waxbarashada ee SOFEN – Eng Cumar Cabdulahi Cali -Agaasime
Dalladda Waxbarashada ee AL-MA’MUN-Cali Axmed Fidow – Gudoomiye
Dalladda Waxbarashada ee SNEFA – Shafici Sh Sayid Abba – Gudoomiye

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More