DANAB oo gacanta ku dhigtay xubin Shabaab ah oo weerar qarax ah geystay

Oct 28 (Jowhar.com)-Abshir Mowlid Axmed oo ahaa bamba tuur ka tirsanaa khawaarijta ayeey gacanta ku soo dhigeen ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab.

Abshir ayaa bamba gacmeed ku tuuray xaafad ay degnaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska Danab oo ku taala magaalada kismaayo , isagoo markuu falka gaystay kedib damcay inuu goobta isaga baxsado balse ciidanka ayaa cayrsaday kana soo saaray xaafad uu ku dhuuntay oo islahaa kaga baxso ciidanka .

Abshir ayaa hadda waxa uu ku jiraa gacanta ciidanka kumaandooska danab isaga oo baaritaan lagu sameeyo ku sheegay ineey jiraan bambooyin u kaydsan damacsanaana inuu falal amni darro oo kale ka gaysto magaalada kismaayo ee caasimada dowlad goboleedka jubaland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More