DANAB oo howlgal ku gushay deegaanka Tooratooroow oo maxkamad u ah Shabaab.

June 06 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in ciidamadda Kumaandooska ee DANAB ay howlgal culus ka fuliyeen deegaanada Tooratoorow & Caliyoow Baaroow oo kooxda Shabaab saldhigyo waaweyn ku leedahay.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan waxaa si gaar ah u fuliyay Ururka 4aad Guutada16 Ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB, iyagoo ku guuleystay iney gacanta ku soo dhigaan xubno Shabaab ah oo deegaanadaas loogu tagay, waxey sidoo kale burburiyeen goobo lacago lagu qaadi jiray.

Saraakiisha howlgalakan horboodeysay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney gacanta ku soo dhigeen lix Xubnood oo katirsan Al-Shabaab kuna sugnaa degaananda Tooratoorow & Caliyoow Baaroow, isla markaana ay la wareegeen Barta-koontorool oo ay lacagaha ku qaadayeen.

Eedeysanayaasha la soo qabtay Waxa ay la soo aadeen dhankaa iyo deegaanka Balidoogle oo uu ku yaalo saldhigga ugu weyn ciidamadda xoogga dalka, waxaana jira warar sheegaya in xubnaha la soo qabtay la filayo in loo soo wareejiyo dhinaca magaalada Muqdisho, si loo maxkamadeeyo hadii ay ku cadaato kiiska loo heysto

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More