Dawlada Qadar oo cambaareysay weerarkii uu ka badbaaday afhayeenka xukuumada

Dawlada Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxisada maanta la beegsadeen Afhayeenka Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kaas oo dhaawac ka soo gaaray.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in Qatar ay si aad ah uga soo horjeeddo ficilada guracan ee argagixisada ku beegsadaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee rayidka ah.

Sidoo kale, war saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in dowladda Qatar caafimaad deg deg ah u rajaynayso afhayeenka xukuumadda ee dhaawaca soo gaaray.

Xaalada caafimaad ee afhayeenka xukuumada ayaa ka soo wanaagsanaaneysaa iyadoo dhaawac uu ka soo gaaray gacanta iyo lugta.

Weerarka ismiidaaminta ee lagu qaaday afhayeenka xukuumada ayaa waxaa sheegtay Ururka Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More