Dec 23(Jowhar)-Diyaarad siday Taliyaha ciidanka Liibiya Jen, Mohammed Ali Ahmed al-Haddad oo ka duushay Ankara kuna socotay Tripoli ayaa lumisay xariirka isgaarsiinta, lamana hayo wax dhaqdhaqaaqeeda, sida ay sheegtay warbaahinta Ankara.
Al Haddad ayaa 08:10pm ka duulay Ankara, isagoo kusocday dalkiisa markii uu dhameystay booqasho kutagay Turkiga, diyaarada ayaa xariirka lumisey 42 daqiiqo markii ay hawada kujirtay.
Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Ali Yerlikaya ayaa sheegay in ay baaritaan wadaan, Taliyahan ayaa dhawaan weydiistay Ankara in lagu taageero ciidanka Liibiya hub cusub.










