DEG DEG: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey wax-ka beddelka Dastuurka Puntland

July. 25 (Jowhar.com)- Golaha Wakiilada Puntland ayaa u codeeyey wax ka bedelka Dastuurka Puntland, waxaana ay u codeeyeen in dhammaan meesha laga saaro qodobadii ka hor imaanayay qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

54 Xildhibaan ayaa ucodeeyey wax ka bedelka Dastuurka, ee ogolaanaya in golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay cod dadweyne ku imaanayaan, 4 xildhibaan ayaa diiday, halka hal mudane ka aamusay.

Baarlamanka Puntland, waxa laga hor akhriyey soojeedinta in 9-ka urur ee galay doorashooyinkii deegaanka ee tooska ahaa ay noqdaan xisbiyo, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana lagu soo doorto qof iyo cod, iyada oo dhinaca kale la kordhiyey codadka lagu waayi karo xildhibaanno oo laga dhigey 44 cod, halka uu hore u ahaa hal dheeri.

Dhinaca kale xaaladda magaalada Garoowe ayaa kala deggen, ka dib waan-waan ay tan iyo xalay wadeen isimmada dhaqanka, si ka duwan labaatankii bishii hore oo furista dastuurka dagaal ka dhashay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More