DEG DEG: Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo ku wajahan magaalada Berbera

581

Jan 06(Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka dago Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Berbera, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in wasiirku inta uu ku sugan yahay Berbera uu kormeer ku sameyn doono dhul lagu qiyaasay ilaa 50km, kaas oo la sheegay in Israa’iil qorsheyneyso inay ka dhisato saldhig milatari. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in kormeerkan uu yahay mid hordhac u ah qorshayaal amni iyo iskaashi milatari oo ballaaran.

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa kusoo aadaya todobaad kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in dowladdiisu aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan. Tallaabadaas ayaa dhalisay hadal-heyn ballaaran oo heer gobol iyo mid caalami ah.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in bishan gudaheeda la filayo booqasho rasmi ah oo ay masuuliyiin ka socda Somaliland ku tagaan Israa’iil, taas oo la rumeysan yahay inay sii xoojin doonto xiriirka labada dhinac.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Somaliland ama Israa’iil oo si buuxda u xaqiijinaya faahfaahinta saldhigga milatari, balse socdaalkan ayaa durba loo arkaa mid leh saameyn siyaasadeed iyo mid amni oo weyn.

Wixii warar dheeraad ah kala soco halkan.