Feb 01(Jowhar)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta kusoo wajahan ilaalada madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland, iyagoo kasoo duulaya magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.
Muuqaalo baraha bulshada lasoo dhigay ayaa muujinaya labada maamul oo ciidamadii ugu badnaa diyaardo soo saaraya, iyagoo hub culus wata kuna soo wajahan caasimadda.
Deni iyo Madoobe ayaa lagu wadaa iney magaalada soo gaaraan gelinka danbe ee beri, iyagoo ka qeyb galaya shirka u dhexeeya dowladda iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Shirka oo looga hadli doono Shan qodob oo kala ah; Amniga, Abaarana, Doorashooyinka, Dastuurka iyo la dagaalanka argagixisada ayaa ka dhacaya gudhaa Eelaboorka, taasoo ay soo jeediyeen madaxda Puntland iyo Jubaland.
Lama oga waxa shirka kasoo bixi doona, iyadoo labada garab ay mowqifyo aad u kala Fog kala joogaan.











