Sep 01 (Jowhar)-Puntland iyo Jubbaland ayaa si isku mid usoo dhaweeyay baaqii Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ahaa in laga arrinsado talada dalka ee ku saabsan jihada saxda ah ee dalku aadayo iyo qabashada shirweyne qaran.
Inkastoo aan shaacin waqtiga shirweynaha la qabanayo iyo goobta uu ka dhici doono, haddana waxaa la saadaalinayaa in midowga mar kale dhex mara Mucaaradka Muqdisho iyo labada dowlad Goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ay go’aamin doonaan jihada saxda uu dalka aadi doono.
Labadan maamul ayaa si cad u balan-qaaday Badbaadinta dawladnimada Soomaaliya, waxaana arrinkaasi lagu gorfeyn doonaa shirka ay wada qabsanayaan dhinacyadan.