Feb 16(Jowhar)-Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan Madaxda maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa in goordhaw ay kulan la yeeshaan Xildhibaannada labada Aqal ee ka soo jeeda beelaha Hawiye.
Xildhibaannadan oo intooda badan lagu tirinayo garabka taageersan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inay Golaha Mustaqbalka kala hadlaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan iyo sidii xal wada-ogol ah looga gaari lahaa hannaanka doorasho ee dalka.
Madaxweyne Deni ayaa dhawaan sheegay in la joogo waqtigii ay banaanka imaan lahaayeen xildhibaanadii codka u raadin jiray Xassan Sheikh May 2022-kii dharaarihii doorashada, xubnaha madaxdan maanta la kulmaya qaarkood ayaa qaba walaac kuwajahan mustaqbalka, iyagoo habeeno kahor u sheegay madaxweyne Xassan Sheikh in uu kuqasban yahay la heshiinta mucaaradka.
Kulankan ayaa imanaya xilli uu cirka isku shareeray muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka , iyadoo dhinacyadu ay dadaal ugu jiraan sidii loo heli lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo ka tarjumeysa midnimo iyo xasillooni siyaasadeed.










