Deni oo Boosaaso kula kulmaya Safiirka Mareykanka iyo taliyaha cusub ee AFRICOM

0
1

Sep 20(Jowhar)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Boosaaso, kaddib markii uu maalmahan safarro ku kala bixiyay dalalka Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya.

Isla maanta, Inta uu ku sugan yahay Boosaaso, Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu kulan muhiim ah la yeesho Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley iyo Taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jen. Dagvin Anderson.. Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraleyda gobolka Bari.

Sidoo kale, saraakiisha Mareykanka ayaa la filayaa inay kala hadlaan madaxda Puntland duqeyntii u dambeysay ee diyaaradaha Mareykanka ay ku beegsadeen Caawil kasoo jeeda gobolka Sanaag, kaas oo lagu tilmaamay inuu ka tirsanaa kooxaha argagixisada ee ka howl gala deegaannada waqooyi bari Soomaaliya.

Kulankan ayaa loo arkaa mid sare u qaadi kara wada shaqeynta dhinacyada amni iyo iskaashiga siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda Mareykanka, iyadoo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ahi uu weli ka socdo deegaanno ka tirsan gobolka Bari.